U bood dhigaalka

Xiisad Siyaasadeed Ka Jira Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa aad looga dareemayaa xiisad siyaasadeed ka dhex taagan baarlamaanka maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale madaxda sare ee maamulkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay waxay sheegayaan in xildhibaannada qaar ee Hirshabelle ay doonayaan iney ku kulmaan xaruntaada Jowhar inkastoo laga baqayo in hadane ay ciidamo halkaasi ka hor istaagaan.

Kulan ay shalay yeelan lahaayeen xildhibaannada Hirshabelle waxaa ka horyimid ciidamo la sheegay in dhanka madaxtooyada Jowhar laga soo diray.

Xildhibaannada qaar ayaa ku doodaya in madaxda sare ee Hirshabelle ay lunsadeen lacago iyaga ay mushaar ahaan u lahaayeen, inkastoo madaxweyne Waare uu sheegay in xildhibaannada ay so joogta ah mushaarkooda u heleen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News