U bood dhigaalka

Xiisad u Dhaxeysa Beeraley Oo Ka Taagan Duleedka Degmada Jowhar, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan inay ka taagan tahay xiisad dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in degaanka Gaaleef oo dhanka Bari ee magaalada Jowhar ku yaalla islamarkaana u jira qiyaas dhan 25 Km ay isku hayaan labo maleeshiyo beeleed.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xiisad dagaal laga dareemayo degaanka oo ku aadan dhul beereed.

Dadkaan ayaa isku haya dhul beeleed ku yaalla degaankaasi oo waayadii dambe ay ka taagnayd muran.

“Degaanka waxaa ka jira cabsi ku aaddan inuu dagaal ku qarxo, waxaana isku haya labo maleeshiyo beeleed, waxa la isku heystana waa dhul beereed oo qolo ayaa qodotay qolada kalena way ka hor timid sidaas ayaa muranka dhalisay” ayuu yiri odaygaasi.

Odayaasha iyo waxgaradka degaanka ayuu sheegay in ay hadda ku jiraan xalka labada dhinac si looga baaqsado dagaal dhici kara.

Dadka beeraleyda ayaa had iyo goor isku qabsada dhul beeleedyada kadib markii qof walba uu sheegto in isaga uu leeyahay ama uu ku beeran jiray miraha, taas oo kamid ah caqabado in muddo ah soo jiitamayay.

Goobjoog News