U bood dhigaalka

Xiisad u Dhaxeysa Ciidamada Kenya Iyo Dad Shacab Ah Oo Laga Soo Sheegayo B/xaawo, Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Kenya oo aad u hubeysan ayaa la sheegay iney saakay kasoo talaabeen xadka aan rasmiga ahayn ee dhanka B/xaawo, iyaga oo gudaha usoo galay 100 tallaabo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney ciidamadaan sheegayaan in dhulka ay soo galeen iyaga leeyihiin, waxaana ka hortagay shacab aad u badan.

Ciidamada Kenya waxay rasaas badan ku kala eryeen dadkii shacabka ahaa, iyadoo weli xiisadda ay ka jirto B/xaawo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in guud ahaan ay xiran yihiin xarumihii ganacsiga ee degmadaasi, dadkuna ay dhigayaan dibadbaxyo.

Waxgaradka ku dhaqan degmada B/xaawo ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kaga soo jawaabaan arrintan ay dowladda Kenya ka waddo degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News