U bood dhigaalka

Xiisad u Dhaxeysa Labo Beel Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Deegaanka Qoriley ee Bariga gobolka Sool ayaa laga soo sheegayaa iney ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa beello deegaankaasi ku wada sugan.

Wariye Madax banaan oo lagu magacaabo Khadar Maxamed ayaa u sheegay Goobjoog News in xiisaddan ay bilaabatay kadib markii la sheegay in maleeshiyaad ka tirsan mid kamid ah beelahan ay dileen nin shacab ah oo beesha kale kasoo jeeda.

Cooladdan ayaa salka waxa ay ku haysaa dagaallo sanadkii 2015-ka sidan oo kale beelahan ugu dhexmaray gobolka Sool, waxaana beelahan ay kasoo kala jeedaan sida la sheegay gobollada Mudug iyo Sool.

Deegaanka Qoriley ee dilka uu ka dhacay waxaa amni ahaan suga ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana saraakiisha ciidankaasi ay sheegeen in iyagu ay soo qaban doonaan dadkii dilka ka dambeeyey.

Dhanka kale mas’uuliyiin u hadashay Puntland ayaa dhankooda waxay sheegeen in ay soo qaban doonaan maleeshiyaadkii dilkaasi ka dambeysay si aaney xiisadda u gaarin meel aan hadhow wax laga qaban karin.

Beelahan xiisaddu ka dhaxeyo ayaa 15-kii sano ee ugu dambeysay waxaa la sheegay in sidan oo kale ay dad isaga dileen, mar walbana waxaa ku bixi jirey waxgarad si xaaladda loo qaboojiyo.

Xiisadan ayaa imaaneysa xilli shacabka ku dhaqan gobolka Sool ay aad ula ildaran yihiin abaar baahsan oo ka jirta gobolkaasi, islamarkaana saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News