U bood dhigaalka

Xiisad u Dhaxeysa Maleeshiyo Beeleed Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed.

Wariyaha Goobjoog ee gobolkaasi Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in shacabka ku dhaqan deegaanno ku yaalla gobolkaasi ay soo wajahday cabsi ah in mar kale dagaallo ay ka dhacaan gobolka Sool.

Maleeshiyaadkan oo maalmahan dambe isku hub uruursanayey ayaa isku horfadhiya deegaanno kamid ah gobolka Sool oo horey ugu dagaallameen.

Odoyaal dhaqameed Labada dhinac ah ayaa ku baxay deegaannadii horey loogu dagaallamay iyo sidoo kale meelaha haatan xiisadda ay ka jirto si xaaladda loo qaboojiyo.

Waxgaradkan ayaa doonaya in wax walbo lagu dhameeyo wada hadal, islamarkaana laga wada xaajoodo wax walbo oo dhinyacdan dhexmaray.

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootey dagaal beeleed ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sool, walow ay jirtey dedaallo ay sameeyeen odoyaasha dhaqanka oo xiisaddan lagu damiyey.

Goobjoog News