U bood dhigaalka

Xiisad u Dhaxeysa Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Jirta Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo saakay oo Sabti ah, waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmudug.

Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo ay kala geeyeen Labadan maamul, iyadoo dadka ay ka baqanayaan in  mar kale halkaasi lagu dagaallamo.

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Gaalkacyo oo la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in ciidamadan ay yihiin kuwo aad u hubeysan, islamarkaana la kala geeyey halkii shalay lagu dagaallamay.

Waxaa socda dedaallo badan oo ay wadaan waxgaradka, culimada iyo Odoyaasha dhaqank, taasi oo ay ku doonayaan in mar kale aan lagu dagaallamin Gaalkacyo.

In ka badan 5 qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale dhaawac soo gaarey dad gaaraya 20 uyna badan shacab.

Waxaa gabi ahaanba xiran xarumaha ganacsiga ee Gaalkacyo, sidoo kalena waxay dadku yihiin kuwo ka baqaya in mar kale dagaallo ay ka dhacaan magaaladaasi.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalka Gaalkacyo ka socda uu yahay mid u dhaxeeya iyaga iyo Xarakada Al-shabaab, iyadoo dhanka Galmudugna ay sheegeen in lagu soo duulay.

Magaalada Gaalkacyo oo Labo maamul ay ka kala arrimiyaan waxay marar badan martigelisay dagaallo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug, inta badanna wuxuu khasaaraha soo gaarey dadka shacabka ah.

Goobjoog News