U bood dhigaalka

Xiisad u Dhaxeysa Somaliland Iyo Puntland Oo Laga Soo Sheegayo Sanaag

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in deegaannno ka tirsan gobolkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Somaliland.

Magaalada Badhan iyo deegaanno hoostaga ayaa lagu soo waramayaa in xiisaddan ay si gaar ah uga taagan tahay, waxaana cabsi ay soo wajahday dadka ku dhaqan degmadaasi.

Somaliland ayaa ciidamo badan waxa ay geysay duleedka magaalada Badhan, waxaana middaasi ay kordhisay xiisadda halkaasi ka jirta.

Puntland ayaa dhankeeda lasoo sheegayaa in ay xoojisay ciidankii dhankaasi ka jiray, iyadoo xilli walbo la filan karo isku dhac Labada dhinac ah.

Maalmihii ugu dambeysay waxaa kordhayey xiisadda ka dhaxeysa Somaliland iyo sidoo kale Puntland, iyadoo shacabkana ka baqayaan in lagu dul dagaallamo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News