U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka:  Cabdifitaax Al-siisii Waa Sii Wadi Doona Go’doominta Qatar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-siisii ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan xayiraada iyo cunno qabateynta saaran dowladda Qatar, isaga oo tilmaamay in ay taageero siiso argigixisada.

Madaxweyne Cabdi Fitaax ayaa hadalkaan waxa uu ka jeediyay shir ka dhacay magaalo xeebeedka Iskandariyah, waxa uuna tilmaamay in ay Qatar ka codsanayaan joojinta fara gelinta iyo taageeridda kooxaha xagjirka ah.

Qaar ka mida dowladaha Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar iyaga oo ku marmarsiyoonaya in ay taageerto kooxaha argigixisada ah, waxa uu tilmaamay Siisii in dalkiisa u sii wadi doono xayiraada ka dhanka ah Qatar.

Dowladaha Qatar go’doomiyay ayaa waxay doonayaan in ay xiriirka u jarto Dooxa Iran iyo Turkiga kuwaas oo isbaheysi la ah Dooxa.