U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: Kanaalka Salwa Oo Qatar Ka Dhigaya Jaziirad

Sheeko:Dalka

Warar ka soo baxay boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya niyadda Riyadh ee ku aadan dhismaha Kanaalka Salwa oo Qatar ka dhigi-doona Jaziirad.

Kanaal 60 km ah, oo laga qodayo dhulka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Qatar ayaa ujeedka laga leeyahay ayaa waxaa tahay in laga sameeyo xeeb iyo goobo loo dalxiis tago oo ay ku jiraan Hoteello waaweyn.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Kanaalka iska lahaan-doonaan Sacuudiga, oo laga qodayo gudaha Sacuudiga.

Mashruucan oo sugayo in la saxiixo, waxaa laga yaabaa inuu bilowdo 12 bil gudahood.

Arrintan Kanaalka Salwa waxaa ay uga sareysaa xiisadda Khaliijka gaar ahaan Sacuudiga iyo Qatar, waxaana dadka siyasadda falanqeeya shaeegayaan in arrintan ay ku sii kala fogaanayaan labada dhinac.

Goobjoog News