U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: Madaxweyne Erdogan Oo Maanta Booqasho Ku Tagayo Khaliijka Si Uu U Xaliyo Dhibaatada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa maanta lagu wadaa inuu booqdo  wadamada Khaliijka si uu u xaliyo dhibaatada Qatar kala dhaxeysa deriskeeda.

Madaxweyne  Erdogan oo isbaheysi weyn la ah dowladda Qatar ayaa waxaa uu bilaabayaa tallaabo uu is kugu soo dhaweynayo dowladaha Khaliijka.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Qatar bishii la soo dhaafay waxayna ku soo rogeyn cunno qabateyn cirka iyo dhulkaah, iyaga oo ku eedeynaya in ay taageerto argigixisada balse Qatar ayaa iska fogeysay eedeymahaas.

Dhibaatada ka taagan Khaliijka waxaa sii huriyay markii sharuudihii ay dowladahaa hor dhigeen dowladda Qatar, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in la xiro Telefishinka Al-jazeera, saldhigga millatari ee Turkiga iyo in xiriirka ay Dooxa u jarto Iran.

Dhanka kale dowladda Imaaraadka oo ah mid ka mida dowladaha xiriirka u jaray Qatar ayaa sheegtay in wax wadahadal ah aysan la galeyn Dooxa tan iyo inta ay ka badaleyso siyaasaddeeda.

Goobjoog News