U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: Qatar Oo Sheegtay In Aaney Wadahadal La Gali Doonin Dowladaha Xiriirka U jaray

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Sheikh Maxamed Binu Cabdiraxmaan Aala Thaani ayaa sheegay in dowladda Qatar aysan wada hadal la geli doonin dowladaha u jaray xiriirka Diblomaasiyadeed iyo midka ganacsiba inta ay saarantahay Qatar xayiraada.

Wasiirka ayaa waxa uu caddeeyay in wadahadal kasta oo ku saabsan dhibaatada ka jirta Khaliijka  ay waajib tahay marka hore in Qatar laga qaado xayiraadda .

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Qatar ay muujisay in arrinta Khaliijka laga wadahadlo markii ay bilaabatay dhibaatada, balse waxa uu sheegay in aysan Qatar aysan isku dhiibeyn dalab kasta.

Waxa uu intaas ku daray in laga wadahadlo arrimaha ugaarka ah dowladda Qatar aysan galin gorgortan, kuwaas oo ay ka midyihiin mustaqbalka Al-jazeera.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha dibadda dowladda Qatar ayaa sheegay in dhibaatadka ka jirta Khaliijka lagu xalin karin dagaal iyo iska horumaad, balse lagu xalin karo ayuu yiri in la iskugu yimaado miiska wadahadalka. Isaga hoosta ka xariiqay in ay waajib tahay in dowladahaas ay la yimaadaan wadahadal ku dhisan waxyaabo cad.

Goobjoog News