U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: Suudaan Oo Dalalka Sacuudiga, Masar Iyo Imaaraadka Ka Diiday Dalab Xoog Leh Oo Ku Aadan Qatar

Sheeko:Dalka

Safiirada dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ayaa waxay kala xaajoodeen wasiiraka arimaha dibadda ee Suudaan maalintii Jimcaha aheyd dhibaatada ka jirta Khaliijka.

Dowladda Suudaan ayaa waxay ka qaadatay dhibaatada ka taagan dowladaha Khaliijka go’aan dhexdhexaad ah iyada oo ugu baaqday in la dejiyo arrinta, Suudaan ayaa muujisay in aad  ay uga xuntahay ugana welwelsantahay arrinta ku aadan dhibaatada Khaliijka.

Warar hore ayaa sheegaya in safiirrada wadamada Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ay ka codsadeen wasaaradda arimaha dibadda ee Suudaan in ay la kulmaan wasiirka arimaha dibadda ee Suudaan iyo inuu caddeeyo go’aanka Suudaan kaga aadan dhibaatada ka jirta Khaliijka, gaar ahaan markii la soo saaray 59 qof iyo 12 shirkadood oo Qatar ku sugan in ay qeyb ka yihiin liiska argigixisada la soo saaray ama ay ku jiraan.

Waxaa korartay siyaasadda kulul ee ka jirta Khaliijka ka dib markii dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka diblomaasiyadeed ay u jareen dowladda Qatar bilowgii bishaan June, waxayna ku soo rogeyn xariyaad ganacsi oo dhanka dhulk, cirka iyo badda ah, iyaga oo ku eedeynaya dowladda Qatar  in ay taageerto Iran iyo kooxaha argigixisada ah balse dowladda Qatar ayaa iska fogeysay eedeyamaha ay u soo jeediyeen.

Sida uu sheegay Khariib Al-akhadar oo ah afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Suudaan in wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi Ibaraahim Gandoor  uu xafiiskiisa uu kula kulmay jimcadii la soo dhaafay safiirada Sacuudiga, Imaarkaadka iyo Masar iyaga oo ka wakiil safaaradda Suudaan ee sacuudiga.

Afhayeenka wasaaradda ayaa waxa uu tilamaamay in bayaan ka soo baxay safiirrada ay ku muujiyeen ixtiraamka ay u hayaan go’aanka ay ka qaadatay Suudaan arrinta Khaliijka  iyo kaalinta uu leeyahay go’aankaasi oo ah in la xoojiyo garab istaagga iyo midnimad ilaalinta qoomiyadda Carbeed.

Safiirada ayaa u mahad-celiyay wasiirka arimaha dibadda ee Suudaan sida uu u soo dhaweeyay maalintii Jimcada aheyd iyaga oo booqshao hal maalin ah ku joogay dalkaasi.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda ee Suudaan ayaa waxa uu la kulmay safiirka Masar u fadhiya Suudan iyaga oo ka wadahadlay muhiimadda ay leedahay in la hormariyo xiriirka ka dhaxeeya labada dalka kaasi oo ku saabasan dhinacyada kala duwan ee horumarinta.

Goobjoog News