U bood dhigaalka

Xiisadda Qatar: Dowladaha Qatar Iyo Talyaaniga Oo Heshiis Dhaqaale Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Dowladaha Qatar iyo Talyaaniga ayaa waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan iskaashigooda ku aadan dhanka dhaqaalaha iyo lacagta in kastoo dowladda Qatar lagu soo rogay go’doomin.

Heshiiskaan ayaa waxa uu imaanayaa ka dib markii uu booqasho uu ku tagay wasiirka maaliyadda ee dowladda Qatar Shariif Al-cimaadii magaalada Rooma ee caasimadda Talyaaniga halkaasi oo uu kula kulmay  wasiirka ganacsiga ee dowladda Talyaaniga.

Kulanka labada wasiir ka dib war-murtiyadeed ay soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in labada wasiir ay qaateen kulan saaxiibtinimo kaasi oo la jaan qaadayo xaaladda sare ee xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Qatar ayaa waxaa xayiraad saaray dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka kuwaas oo Qatar uga imaan jiray Khudaarta balse waxa ay Qatar layeelatay dowladda quwadda leh si ay u sii socoto nolol maalmeedkeeda.

Goobjoog News