U bood dhigaalka

Xiisadda Qatar: Shuruudo Waalli Ah Oo Sacuudiga Iyo Xulafadiisa Dul-dhigeen Qatar

Sheeko:Dalka

Xulafada Sacuudiga ee go’doomiyay Qatar waxaa ay soo saareen liis cusub oo ka kooban illaa 12 codsi, shuruuradaha oo waalli lagu sheegay ayaa la doonayaa in ay ku fuliso 10 malamood gudahood.

Akhriso Shuruudda:

1 . In ay hoos u dhigto Dowladda Qatar xiriirka Diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dowladda Iran iyo in Qatar ay dalkeeda ay ka saarto ciidamada u dhashay dalkaasi Iran iyo sidoo kale in dowladda Qatar ay yareyso xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya Iran.

2 . In dowladda Qatar ay si degdeg  ah ay u xirto saldhigga Millatari ee Turkiga uu ka dhisanayo dalkeeda iyo inay joojiso iskaashi walba oo ku saabsan milatariga oo ay la sameyso Turkiga.

  1. In ay xiriirka u jarto Qatar dhammaan ururada iyo kooxaha argigixisada ah oo ay ka mid yihiin Ikhaawnul-muslimiinka iyo Daacish.
  2. In ay Qatar joojiso dhammaa maalgalinta kooxaha argigixisada iyo xagjirnimada.
  3. In dalalkaasi ay Qatar u soo dhiibto kooxaha argigixisada ah ee la doondoonayo kuwaas oo ku nool dalkeeda.
  4. In ay xirto Qatar Telefshinka Al-jazeera iyo laamaha warbaahineed ee raacsan.
  5. In Qatar ay joojiso faragalinta ay ku heyso dowladihii xiriirka u jaray iyo in aysan siin karin dhalasho dadka u dhashay dalalka Sacuudiga Imaaraadka Baxreyn iyo Masar kuwaas oo ku nool dalkeeda.
  6. In ay bixiso Qatar magdhow ku saabsan dhibaatada siyaasadeed ee khaladan oo Qatar muddo sanado ah ay kula dhaqmeysay Khaliijka.
  7. In ay u dhaqanto dhaqaalo ahaan iyo siyaasad ahaan si waafaqsan golaha Khaliijka.
  8. In ay Qatar soo dhiibto macluumaad ku saabsan mucaaradka ay maalgalin jiraty.
  9. In ay joojiso maalgalinta sida dab ay u siineyso warbaahinada 21 Carabiya iyo Middle East Eye.
  10. In toban maalmood gudahood ay ku aqbasho dalabkaan.

Dalabkan oo ay Qatar u geystay Kuwait ayaa la sheegayaa in ay baareyso si ay uga bixiso jawaab ku haboon.

Goobjoog News