U bood dhigaalka

Xiisaddii Tukaraq Oo Xoogeysatay Iyo Ciidamo Dheeraad Ah Oo Labada Dhinac Geeyeen Sool

Sheeko:Dalka

Wararka Goobjoog News, ay ka heleyso gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan iney xoogeystay xiisaddii dagaal ee  u dhaxeysay Somaliland iyo Puntland, taasi oo ka jirta deegaanka Tukaraq iyo nawaaxigiisa.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in Somaliland ay ciidamo dheeraad ah geeysay deegaanno ku dhow Tukaraq, sidoo kalena dhufeyso ay sheegeen in deegaankaasi laga difaacayana ka sameysteen duleedka Tukaraq.

Dhanka kale, Ciidamo badan oo ka socda Puntland ayaa lagu soo waramayaa iney iyaguna gaareen deegaanno ka tirsan Sool, gaar ahaan deegaanka Holhol.

Shacabka ayaa ka cabsanaya in mar kale dagaallo ay ka dhacaan gobolkaasi, iyadoo aysan jirin xabad joojin rasmi ah.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha deegaanka Tukaraq.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News