U bood dhigaalka

Xiisado Dagaal Oo Ka Jira Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degaannada bari ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay ka socdaan howlgallo ciidam oo ay wadaan dhinacyada halkaas isku haya.

Degaannada dhaqdhaqaaqyada ciidan laga dareemayo waxaa kamid ah degaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaasoo dhowaan ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay saameyn ku yeesheen howlgallada ka jira degaannada hoostaga degmada Ceelbuur.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada ALshabaab ayaa la soo sheegayaa in ay dhaqdhaqaaqyada ciidan wadaan.

Sidoo kale Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxay ka wadaa degaanno kale oo isla bariga gobolka Galgaduud ah halkaasoo ay maamusho.

Degmada Ceelbuur oo ay isku hayaan dhinacyada dowladda iyo Alshabaab ayaa inta badan waxaa haddana meelo u dhow dhow lagu bartilmaameedsadaa ciidanka AMISOM, kuwa dowladda iyo dad lagu sheego inay la shaqeeyaan.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo aan isku daynay inaan wax ka weydiinno xiisadaha dagaal ee gobolka ka jira ayaa inoo suurtagalin inaan telfoonka ku helno.

Goobjoog News