U bood dhigaalka

Xil.Cabdi Barre ” Soomaaliya Uma Baahna Hoggaamiye Kooxeed Dambe”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi  gaar ah aan la yeelanay ayaa ku baaqay in  shuruud la’aan la joojiyo colaadda Gaalkacayo, Soomaaliyana aaney maanta mar kale u baahneyn dagaal sokeeye iyo hoggaamiye kooxeed cusub.

Xildhibaan Cabdi Barre oo hadda ku sugan Puntlanad ayaa waxa uu  sheegay in dagaallada gobolka Mudug ka soo cusboonaaday yahay kuwo nasiibdarro ah.

“Waxaa nasiibdarro ah in Soomaaliya laga abaabulo maanta dagaal dhiig badan ku daadanayo oo dhibaato badan laga abuurayo, waxaan ku baaqayaa dagaalkaa gobolka Mudug ka socda iyo gobollada dhexe iyo dhamaan Soomaaliya ka socda, cid alaaliyo ciddii caqli iyo maskax Soomaaliyeed lihi waa iney u istaagaan sidii colaaddaa loo joojin lahaa shuruud la’aan, oo dhan kastaaba qoladii gardarro leh gardarada la saaro, Soomaaliyana maanta uma baahna dagaal sokeeye, uma baahna dhiig daata, uma baahna isku dir dambe abaabul iyo hoggaamiye kooxeed dambe uma baahna”.

Xildhibaanka ayaa waxa uu baaq u diray cid kasta oo ku lug leh dagaalka, waxaanuu yiri;

“Waxaan leeyahay cid alaaliyo cidda ku lug leh dagaalka gobolka Mudug, waa iney si degdeg leh u joojiyaan, cidda bilowday iyo cidda abaabushay waa lala socdaa, waa in la joojiyaa(dagaalka) nabad lagu wada noolaadaa, taas ayaan baaqaas ku dirayaa, waa ayaandarro xilligii Soomaaliya lagu waday in cirka roob uga soo da’o oo dowladi u dhalato in dib loo abaabulo dagaal sokeeye si 2016 Soomaaliya aan doorasho uga dhicin, cidda taas ku hamineysa waxaan leeyahay doorasho waa dhacaysaa, waxaana la heli doonaa hoggaan Soomaaliyeed oo caadil ah oo shacabka Soomaaliyeed ee kala irdhoobey u guntan doonta oo is taajin doonta ayaa la heli doonaa”.

Magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ka bilowday 7-dii bishan dagaallo soo noqnoqday oo u dhexeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, kawaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale, iyadoo sidoo kale uu dagaalkani dhaliyay barakac baahsan oo ka dhacay guud ahaan magaalada, kaas oo lagu qiyaasay illaa  50,000(Konton kun ) oo qof iney magaalada ka carareen, waana sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Goobjoog News