U bood dhigaalka

Xil.Cabdi Barre: Way ku saxsantahay Puntland xiriirka ay u jartay DFS

Sheeko:War
Xildhibaan Cabdi Barre
Xildhibaan Cabdi Barre

Xildhibaanadii gaaray magaalada Garoowe ayaa ka dhawaajiyay in maamulka Puntland ay ku saxantahay go’aanka ay xariirka ugu jartay dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah mudanayaashaasi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raacin nidaamkii Federaalka ee saxda ahaa, isla markaana lagu xad-gudbayo dastuurka dalka u degsan.

Mar uu ka hadlay sida uu xalka ku jiro ayuu sheegay in loo baahan yahay maamulka Puntland in lagala hadlo waxa ay tabanayso.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog FM xildhibaanka  waxa uu sheegay in Garoowe uu u tagay wadatashi ay Puntland ugu yeertay xubnaha uga jira baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Todobo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa ilaa haatan gaaray Puntland, kuwaas oo qayb ka noqonaya qorshaha wada-tashi ee Puntland la yeelanayso xubnaheeda ku jira dowladda federaalka ah.

Khilaafka ugu wayn ee u dhexeeya Maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa salka ku haya dhismaha maamulka gobollada dhexe ee ay dowladdu sheegtay in Mudug iyo Galgaduud u dhiseyso.

Maamulka Puntland ayaa ka soo hor jeestay in gobolka Mudug uu ka mid noqdo maamulka gobollada dhexe,maadaama gobolka Mudug ay qeybta Waqooyi ka arrimiso inta badan Puntland.