U bood dhigaalka

Xil.Cabdirashiid oo ka Dayriyay Xaaladda Nololeed ee Miyi iyo Magaalaba Leh Gobolka Sool

Sheeko:Baarlamaanka

Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka federaalak Soomaaliya oo socdaal ku tagay degmada taleex ayaa nooga xog warramay xaaladda abaareed ee ka jirta ahaan gobolka Sool.

Xildhibaan Cabdirashiid oo aan la yeelanay wareysi xog warran ah oo ku saabsan xaaladda abaareed ee ka taagan gobolka Sool iyo wixii uu indhihiisa ku soo arkayay, ayaa yiri;

“Waxaan tagay meesha la yiraahdo degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool oo 170 Km magaalada Laascaanood dhinaca bariga ka xigta, runtii waa deegaan aad u ballaadhan, waxaa ka jirta dhibaato baahsan oo xagga abaaraha ah, sidaad la socotid dadka Soomaaliyeed waa dad xoolo dhaqato ah, waxaad la socotiin in Soomaaliya baryahan dambe ay roobabku yaraayeen, deegaankaas oo dhowr xilli oo isku xigay ayaan roob ka di’in, amaba waxaa la oran karaa roobab fiican kama di’in, xaaladdu dadka baadiyaha ah iyo magaaladaba waa ku adag tahay, sababtuna waa dhulka magaalooyinka ah waxay ku xidhan yihiin miyiga iyo xoolaha nool”.

Xildhibaanka ayaa aad uga dayriyay xaaladda abaareed ee xoolaha, waxaanuu yiri “Xaaladda abaareed ee xoolaha nool aad iyo aad bay runtii khatar u ahayd, laakiin dadku waa dad islaam ah Illaahay bay aaminsan yihiin, waxayna aaminsanayeen iney ka bixi doonaa abaarta, markaa xaaladda abaareed ee dhulkaasi aadbay u darneyd”.

Xildhibaan Cabdirashiid waxa uu sheegay in hadda saansaan roobeed jirto inuu curtana la fili karo mar kasta, isagoo aad uga dayriyay xaaladda xoolaha oo uu tilmaamay in hadii  roobab la helo ay suurtogal tahay iney u adkeysan waayaan.

Abaaro laga dayrinayo xaaladooda ayaa ka taagan deegaanno hoos yimaadda Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag iyo sidoo kale qeybo badan oo ka tirsan gobolka Sool; Abaarahan ayaa barakiciyay dadkii ku noolaa deegaannadaas oo intoodii kari kartay ay u hayaameen meelo kale oo ka naq wanaagsan deegaanadoodii hore.

Goobjoog News