U bood dhigaalka

Xil.Dalxa: Beesha Caalamku Waxay Soomaaliya U Yeerinayaan Waxaan Danaheeda Ahayn

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan guddi hoosaadka arrimaha dibadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wereysi gaar ah siiyay goobjoog News ayaa si kulul u weeraray beesha caalamka oo uu ku eedeeyay iney xaaladda Soomaaliya sii cakirayaan una yeerinayaan Soomaalida waxaan dani ugu jirin.

Xildhibaanka oo aan la yeelannay wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa si gaar ah xoogga u saaray warqad dhawaan ka soo baxday xafiiska UNSOM oo la doonayay in looga hakiyo doorashada Aqalka sare  qaar ka mid ah hoggaamiye kooxaadyadii hore ee Soomaaliya, ayaa waxa uu Beesha Caalamka ku eedeeyay iney sii cakirayaan xaaladda Soomaaliya.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in Beesha Caalamku aaney waxba kala socon xaqiiqda dhabta ah ee xaaladda Soomaaliya;

“Badi dadka matala Beesha Caalamka ama ha noqdaan UN ama ha noqdaan ururrada kale ee saameynta ku leh gudaha Soomaaliya in aysan xaqiiqada runtii la soconin, waddankaan waxa uu soo maray dhibaatooyin tiro badan oo Jabhado ku diriray, qabaa’illo ku diriray, dowlad iyo mucaarad ku diriray; si kastaba ha ahaatee waxaa arrimahaasi looga soo gudbayay hadba sidee ‘xeego loogu  xagtaa ilkana ay ku nabadgalaan’, dadka faraha lagu fiiqayo maanta waxaan filayaa wakhti ay uga fiican yihiin iney dowladnimada qeyb ka noqdaan oo ay wax ka dhisaan oo wixii hore ee laga soo gudbay ay yihiin dad muhiim ah oo arrimahaas laga kaashado, inaan maanta looga maarmi karin ayaan u arkayaa Soomaaliya, boogta Soomaaliya waxaa bogsiin kara dadka u dhashay, iyadoo aano iyo dakano iyo wixii hore Soomaaliya uga dhacay aan dib boogtaasi loo damqinin”.

Xildhibaanka ayaa xusay inaan la fileyn in dib la isku xasuusiyo xaaladdii uu dalku soo maray taas oo damqeysa boogo hore oo la filayay iney bogsadaan;

“Maadaama aan nahay ummad dib u heshiisiin ku jirta oo wali iyaga la isku kabkabayo, gobollo Soomaaliyeed oo maanta kala tagay isku raadinteeda lagu jiro, hadda hadii aan umuurahaasi dib ugu noqonno wax kale soo kordhin mayso, waxayna abuuri doontaan in shalay meeshii laga yimid dib loogu noqdo, hadeerto wali dagaalladii sokeeye ayaa maanta taagan, waxaa nasiibdarro ah in maanta arrimahaasi aanu xisaabtooda uugu jirin(Beesha Caalamka), iney ka soo saaraan warqado oo hadba Soomaalida loogu yeerinayo wax aan daneheeda ka tarjumeyn”.

Waxa uu ku baaqay iney Soomaalida isku daayaan oo ay ixtiraamaan cid kasta oo ay iyagu soo xushaan.

“Arrintaa waxaan leeyahay haka gaabsadaan oo ha isku daayaan Soomaalida iyada sida ay isku xallin karto iyadaa taqaan hadday isku tanaasusho, hadday is cafiso iyo haddii ay isla xisaabtantaba iyada ayay u taallaa”.

Warqad ka soo baxday xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho 14 October, ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii dalka aan lagu soo dari karin Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News