U bood dhigaalka

Xil.Jeesow: Dowladda si sharciga waafaqsan ha u maareyso hub ururinta

Sheeko:War

daahir jeesoow

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Ammaaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa   Dowladda ku dhiira galiyay in hannaan sharciga waafaqsan ay u marto Aruurinta hubka sharci darrada ee yaalla Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in ay meesha ku jirin ku xud gudubka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Jeesow waxa uu soo dhoweeyay Go’aanka Dowladda ay ku doonayso in ay ku xakamayso hubka sharci darrada ee lagu dhex sito Magaalada Muqdisho.

Hadalka Jeesow ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii u dambeeyay ay ciidamada nabad sugidda dowladda ay howlgallo hub ururin ah ka wadeen gudaha Muqdisho, iyagoo bartilmaameydsanayo guryo iyo shaqsiyaad gaar ah.

Ciidamada nabad sugidda dowladda ayaa iska hor imaayo kala kula goobaha ay weerada ku qaadaan, taaso dhalisa khasaare ka dhasha is rasaaseynta.