U bood dhigaalka

Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Wasiirkii Maaliyadda Ee Maamulka Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay wasiirkii wasaaradda maaliyadda ee maamulkiisa, isaga oo wasiir cusub magacaabay.

Waxaa xilkan laga qaaday Maxamed  Maxamuud Cabdulle, iyadoo wasiirka maaliyadda Hirshabelle loo magacaabay Zaki Cabdi Xaraare.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in loo baahan yahay dardar shaqo oo dhanka wasiirada ah, wuxuuna wasiirkan cusub ku sheegay shaqsi isbedal maaliyadeed keeni kara, howsha loo dhiibayna uu si aad ah u yaqaanno.

Sababta xilka looga qaaday wasiirkii Maaliyadda Hirshabelle ayaa loo sababeeyay shaqo gudasho la’aan iyo keenis la’aanta isbedal maaliyadeed oo muuqda.

Dhowaan wuxuu madaxweyne Cosoble u sheegay wasiiradiisa in laga doonayo iney la yimaadaan horumar shaqo iyo in ay kasoo dhalaalaan xilka loo dhiibey.

Goobjoog News