U bood dhigaalka

Xil.Xasan Macalin “Waa Waajib In La Garab Istaago Ciyaartooyda Soomaaliyeed Meelbo Ay Joogaan”

Sheeko:Cayaaraha

Xildhinaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa door wacan ka ciyaaray in caasimada Muqdisho ay ciyaar saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u yimaadaan ciyaartooy iyo macalimiin Soomaaliyeed intii u dhaxaysay 17-30 October 2018 waxayna ka kala imaadeyn wadamada  Egland,Norway,Sweden,Canada,America iyo Kenya.

Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa wafdiga kooxdii qurbajoogta ee caasimada timida bishii October qeybna ka ah bahda ciyaaraha reer UK ayaa u mahad celiyay xili dhibaan Xasan Macalin sida wanaagsan uu ugu qeyb qaatay socdaalkoodii kowaad ee dalka sanadaha soo aadan ay ka rajeyndoonaan in uu gacan buuxda ka qaato dhiiri gelinta iyo garab istaagida dhalinyarada ku koray qurbaha.

Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa safarka kooxdii imaaday caasimada ayaa u haray waajibaadka xulka qaranka,isagoo kasoo muuqday saddex ciyaareed ayuu xulka u dhaliyay afar gool,20-November 2018 goolkii kowaad ayuu qaranka u dhaliyay wuxuuna goolkaas ka dhaliyay xulka Ethiopia oo ay la ciyaareyn is reeb reebka tartanka olimkada aduunka,saddex isbuuc ka dib laacib Feysal ayaa noqday xidigihii ugu horeeyay oo saddexlay ama hatric u dhaliya xulkeena wuxuuna ka dhaliyay wadanka Jabuuti inkastoo ciyaartaas ay aheyd mid saaxiibtinimo hadana waxa ay go’gol xaar u aheyd in mustaqbalka dhaw uu qarankeena ku ciyaaro garoomada gudaha.

“Kaliya wax yar ayaa iminka ka qeyb qaatay mustaqbalka waxaan jeclahay in aan door wacan ka ciyaaro garab istaagida xirfadlayaasheena waana waajib na saran hadii aanu nahay xilidhibaanada golaha shacabka waana wax loogu baahan yahay dhamaan siyaasiinta”

Ka dib wacdarihii wacnaa uu Feysal kusoo bandhigay garoomada waxa ay dhiiri gelin u noqotay ciyaartooy badan oo ku barbaaray qurbaha kuwaas oo iminka rajo ka leh in ay iyagana u dheelaan dalkooda waxaana badanaya codsiyada kala duwan ee soo gaaraya xiriirka kubbadda cagta oo ah hay’adda soo xulista iyo ka waqrabka xirfadlayaasha matalaya magaca Soomaaliya,halka qaar ka mid ah siyaasiinta ay ku tartamayaan caawinta iyo garab istaagida xirfadlyasha gudaha iyo kuwa qurbaha.

Isku soo wadaba gofeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa qaba aragtida ah hadii la joogteeyo booqashooyinka kooxaha qurbaha laguna xoojiyo xirfadlayaasha gudaha ay keeni karto is badal iyo natiijooyin wanaagsan oo ka imaada safarada xulka qaranka ee ka qeybgalka tartamada caalamka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2199134133686210/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email-qalinle39@gmail.com