U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Ka Hadlay Waddooyinka Muhiimka ah ee Shacabka Laga Xiro

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel oo hadal jeedin ka sameeyay xarunta golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhaliil u soo jeediyay kalfadhigga baarlamaanka oo uu ku tilmaamay mid aan muhiim ahayn shacabka sababtuna ay tahay waddooyinka laga xiro marka ay shirayaan xildhibaannada golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdi Shire ayaa ka hadlay sida ay u xanuun badan tahay waddooyinka shacabka laga xirayo, waxa uu guddoonka Baarlamaanka ugu baaqay in arrin muhiim ah mooyaane wixii kale la iskugu soo gudbiyo qaab qoraal ah, si aaney shacabku u dareemin dhibaato.

“Sidaad la socotaan magaaladii marka Baarlamaanka naloo furo waa naloo xiraa, fadhigga aan hadda halkan fadhinno kharajka inagu baxayaa ma sahlana, marka waxaa fiicaan lahayd, warbixinta guddiga doorashooyinku waa wax qoraan nalagu soo gaarsiin karay, jidka hadda illaa inta aan soo soxonnay waad garan kartaan, marka waxaan codsanayaa in ummadda loo naxo, maadaama magaalada la xiro marka aan shir leenahay, in wax muhiim ah mooyaane waxyar oo sida maanta oo kale ah aan la iskugu kaaya yeerin, haddii kale waxaa dhacaysa magaalada in dadka masaakiinta ah ay ka xiranto”, ayuu yiri xildhibaan Cabdir shire.

Marka uu baarlamaanku leeyahay shirarakiisa caadiga ah iyo kalfadhiyada ayaa waxaa loo xiraa waddooyin muhiim ah oo halbowle u ah bulshada iyo isku socodka gaadiidka.

Goobjoog News