U bood dhigaalka

Xildhibaan Aabi: Guddonka Baarlamaanka Ayaa Sabab u Ah Baaqashada Kulamada Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay baaqashada inta badan ku timaada kulamada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dhowr sabab ay leedahay in kulamadaan ay baaqdaan, islamarkaana wax walba oo eed ah uu qaadanayo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in dabacsanaan ay ka muuqato.

Waxa uu sheegay in ay fasaxeen 50 xildhibaan, sidoo kalena siminaar loo diray Laba guddi, taasna ay sahashay in fadhiyada baarlamaanka ay baaqdaan.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay in aysan jirin ciqaab qabanaysa xildhibaanka kulamada ka maqnaada iyo mid dhiira gelinaysa mudanaha joogtada u yimaada.

Ugu dambeyn Xildhibaan Aabi ayaa sheegay hadii aanay guddoonka baarlamaanka isbedal ku sameyn arrintaan ay shaqo badan baaqan doonto, islamarkaana ay iyaga mas’uul ka noqonayaan.

Shalay waxaa baaqday kulan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho, kaasi oo arimo badan looga hadli lahaa.

Goobjoog News