U bood dhigaalka

Xildhibaan Aadan Madoobe Oo Ku Baaqay In Gurmad Caafimaad La Gaarsiiyo K/galbeed

Sheeko:Caafimaadka

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu faro kulul ku hayo deegaannada uu ka arrimiyo maamulka K/galbeed.

Waxa uu sheegay in maalintii ugu yaraan 20 qof ay cudurkaasi ugu geeriyoodaan deegaannada K/galbeed, islamarkaana aaney jirin gurmad caafimaad oo weli dadkaasi heleen.

“Maalin walbo waxaa deegaannada K/galbeed cudurka shuban biyoodka ugu dhinta 20 illaa iyo 30 ruux, meelaha qaar dadku dawo ma haystaan, waxaa loo baahan yahay in loo istaago sidii dadkaasi loogu gurman lahaa” ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka K/galbeed iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad caafimaad lala gaaro shacabka ku dhaqan deegaannada K/galbeed, looguna gurmado sida ay u kala daran yihiin.

Cudurka shuban biyoodka ayaa dhowaan si xowli ah uga dilaacay deegaann kamid ah gobollada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose, waxaana meelaha qaar dadku aaney heli karin dawo ku filan.

Goobjoog News