U bood dhigaalka

Xildhibaan Aadan Madoobe “Xildhibaanada Ha Isku Tanaasulaan”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneen in xildhibaanada baarlamaanka ay kala aragti noqdaan, islamarkaana ay warbaahinta siyaabo kala duwan uga hadlaan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay muhiim tahay in la’isku tanaasulo, islamarkaana wax walba oo la kala tabanayo lagu xalliyo wada hadal, meeshana laga saaro is faham waa.

“Xildhibaanada waxay leeyihiin annaga wada hadal waanba ogoleene muxuu gudoomiyaha u leeyahay waa laga gudbay mooshinka, gudoomiyaha isna waxa uu leeyahay hadalka ayeey si kale u fahmeen mooyee ee waxaan ka waday in wada hadal loo gudbay” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in hadda muhiim ay tahay in mudanayaasha baarlamaanka ay isku tanaasulaan, ayna eegaan shaqooyinka xilligaan horyaalla.

“Xildhibaanada waxaan leeyahay isku tanaasula, oo wax walba miiska wada hadalka ku dhameeya, waxaa inoo yaalla shaqooyin badan aan xil iska saarno qabsoomidda kulamada baarlamaanka dibna aan u eegno marxaladda uu dalka ku jiro” ayuu yiri xildhibaanka.

Shalay oo ay ku beegneed Arbaco 07-da October waxaa dib u dhac ku yimid shir la doonayay in looga arrinsado mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xildhibaanada mooshinka keenay ay sheegeen in marnaba aanay shirkaasi ka qeybgaleyn.

Goobjoog News