U bood dhigaalka

Xildhibaan Aadan Saransoor “IGAD Dhex Dhexaad Kama Ahan Waxa Ka Jira Degmada Ceelbarde”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan gaaray degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalka ay gobalkaasi ku joogaan iyo qorshe uu sheegay inay ku aadayaan degmada Ceelbarde oo dhawaan looga dhawaaqay maamulka Bakool sare.

Waxa uu sheegay in xildhibaanno kale ay degmada Ceelbarde ka abuureen xiisad colaadeed, islamarkaana ay doonayaan iyaguna inay halkaasi tagaan si ay u xalliyaan xiisadda jirta, shacabkana u sheegeen in aan colaad laga dhex abuurin.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in aysan ka war hayn cabasho ay qabeen xildhibaanada baarlamaanka ee ka qeybqaatay dhismaha maamulka Bakool sare, kaliya ay ka war heleen maamulkaasi oo lagu dhawaaqay.

“Ceelbarde dhibaato ayaa ka taagan, xildhibaanno qaran baa halkaasi tagay xiisad bay meesha ka abuureen qabiil ahaan bay u tageen, dadkii deegaanka lama aysan wada hadal oo dhibaato ayeey ka wada dhex abuureen, degmada waala wada deggan yahay shaqsi ama qabiil kaliya maamul ma sameysan karo” ayuu yiri xildhibaan Saransoor.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa ku eedeeyay urur gobaleedka IGAD in aysan dhex dhexaad ka ahayn waxa ka taagan degmada Ceelbarde oo uu sheegay in qaarkood ayba mas’uul ka yihiin dhismaha maamulka Bakool sare.

Dhawaan ayaa maamulka Bakool sare waxaa looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool, kaasi oo xiisad ka abuuray gobalka Bakool.

Goobjoog News