U bood dhigaalka

Xildhibaan Abshiroow "Dadka Soomaaliyeed wey ka badanyihiin 12 milyan iyo bar" (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cadbulaahi Cumar Abshir oo ah xoghayaha Gudiga Adeega bulshada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in dhawaan tirakoobkii ay soo saartay Haydda UNFPA ee ku aadan dadka Soomaaliyeed aanu ahayn mid sax ah oo wax badan ay ka qaldanyihiin.

Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay hadda ka badan yihiin Labaatan Kun, halka Hay’addu ay sheegtay in Soomaalida ay yihiin 12,316,895 (Laba iyo Toban Malyan, Sedax Boqol Lix iyo Toban kun, Sideed Boqol Sagaashan iyo Shan) qof.

Ka gudi ahaan ayuu sheegay in ay soo gaartay arintaan, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in xilligaan aan Tirakoob sax ah dalka laga sameyn Karin, wuxuuna sheegay in ka gudi ahaan ay aad ula yaabeen arintani.

Soomaaliya ayuu sheegay in tirakoobkeeda ay u baahan tahay in dadka madaxa laga tiro, balse dagaalada jira awgeed aanay taasi suurta gal ahayn.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay kala badnaanshiyaha dadka ee gobalada dalka ayuu ku sheegay in shacabka ugu badan ay ku noolyihiin gobalada Koonfureed ee Soomaaliya.

In la sameeyo tirakoob ayuu sheegay in ay u baahan tahay howl badan, sida in tababaro lasiiyo dadka arintaasi qabanaya islamarkaana la geeyo degmo ilaa Tuulo oo dalka ka mid ah, ayna socoto qorshe ay wado wasaaradda qorsheynta dowladda Soomaaliya kuna aadan howlaha tirakoobka.

Dhawaan ayaa warbixin ay soo saartay Hay’adda UNFPA waxay ku sheegtay in tira koob ay ka sameysay 19 Gobal oo Soomaaliya ah dadkeedu ay yihiin 12,316,895 oo qof, kaa oo ay sheegeen in ay ka qeyb qaateen soo uruurinta xogtaan dad gaaraya 4,500 oo qof sidii loo heli lahaa tirakoobkaan la sameeyay.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga aynu xildhibaanka la yeelanay.

Goobjoog News