U bood dhigaalka

Xildhibaan Axmed Fiqi: Xukuumadda Federaalka Ah Hala Timaado Qorshe Sanadeed

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo maanta ka hadlayey kulanka golaha shacabka ayaa codsaday in xukuumadda federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay la timaado qorshe sanadeed la mid ah miisaaniyadda, si loogula xisaabtamo sanad walbo dhammaadkiisa.

Xildhibaan Fiqi, oo arrintaasi ka hadlayey wuxuu yiri “Barmaamijka xukuumadda sanadkii hore si degdeg ah ayaa lagu keenay, warqadu runtii nuxurkoodu aad u liito, aad u yaryar, oo aan ka tarjumeyn caqabadaha iyo shaqooyinka laga rabo xukuumad Soomaaliyeed, marka waxaan ku dari lahaa, in sanad walbo qorshaha cusub ama barnaamijka sanadkaas la joogo..’

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waxaa uu soo-jeediyey inay sanadka soo socda ee 2019-ka ka bilaabaan xukuumadda soo gudbinta qorshaha “ Masalan, 2019-ka ayaa noo bilaabaneysa, qorshaha xukuumadda ee sanadka 2019-ka in la keeno sanadkaas, si sanadkan aakhirkiisa xukuumadda loogula xisaabtamo ay u cadaadaan”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ka digay in duubduub wax walbo loo qaato, taasina ay sahli karto in xukuumadda iska qabato wax cusub oo aan lagu ballamin, sida hadda socota “Laakin sidii hore haddii ay tahay si duubduub ah ayaa loo keenay, makala go’neyn, tafasil mala heyn, wax cusub oo aan ku qorneyn, oo tiro badanna waa socdaan hadda oo ka duwan wixii la soo gudbiyey, marka in qorshaha si miisaaniyadda loo sarifaayo, oo sanad sanad looga dhigaayo, in qorshaha xukuumadda ee sanadkaasna la soo raacsiiyo.

Arrinta uu xildhibaanka ka hadlayo ee xukuumadda inay lahaado barnaamij sanadeed la ogyahay waxaa ay ka jirtaa dunida inteeda kale, laakin xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ay xildhibaannada u qeybisay qorshe 4 sano ah oo dheer, oo aaney muuqan wax ka qabashada.

Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre oo ka hadlayey buug uu xildhibaannada u qeybiyey waxa uu ballan-qaaday in xukuumadiisa ay soo afjari doonto amni darida, faqriga, musuq-maasuqa, colaadaha iyo arrimo kale oo ay muhiim tahay in muwaadinka ogaado, si berri lagula xisaabtamo ra’isul waaraha iyo golihiisa wasiirrada.

Barnaamijkan waxaa ku qornaa in wax looga qabanayo arrimo badan oo ay ku jiraan, gurmadka abaaraha, sugidda amniga, cadaaladda, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa, qof iyo cod 2020-ka, Dowlad wanaag, Adeegga bulshada, dib-u-heeshiinta iyo xiriirka caalamiga.

Arrinta uu Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waa  arrimaahaas oo kale, maanta ma jirto qaab looma xisaabtamo, waayo sida ay wax ku socdaan waa duubduub kuwaas oo aan ogeyn meel ay wax marayaan.

Goobjoog News