U bood dhigaalka

Xildhibaan Axmed Maxamed “Baarlamaanka Cusub Waxbadan Ayuu Ka Bedali Doonaa Xaaladda Dalka”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Maxamed Dubays oo mid ah mudanyaasha baarlamaanka ee lagu soo doortey Garoowe ayaa sheegay in baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uu waxbadan ka bedali doono xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xilligaan wixii ka dambeeya siyaasad deggan iyo shaqo badan oo shacabka loo qabto.

Baarlamaanka cusub ayuu tilmaamay in xoogga uu saari doono inuu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa siyaasad deggan, islamarkaana wax looga qaban lahaa marxaladda guud ee iminka dalka uu marayo.

“Baarlamaanka cusub waxbadan ayuu ka bedali doonaa xaaladda dalka, waxaa na horyaalla shaqooyin badan, waa in dowladnimada Soomaaliya la ballaariyaa, waa in shacabka aan matelno loo tusaa dowlad wanaag sax ah iyo iney ka gudbaan siyaasadahan ay ku wareereen ee dalka ka jira” ayuu yiri xildhibaanka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa shaqooyin badan uga fadhiya inuu qabto baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ay ugu horreyso soo xulista madaxdii dalkan hoggaamin lahayd 4-ta sano ee soo socota.

Goobjoog News