U bood dhigaalka

Xildhibaan Axmed Taajir Oo Ka Tirsan Jubbaland Oo Xabsiga La Dhigay

Sheeko:Dalka

Warar ay goordhaw ay heshay Goobjoog News ayaa waxaa ay sheegayaan in maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland uu saldhigga FIAT ee Kismaayo dhigay Xildhibaan maamulkaasi ka tirsan oo lagu magacaabo Axmed Taajir.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in Xildhibaanka uu horay u gudbiyay mooshin ka dhan Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka ugu gudbiyay guddoonka baarlamaanka, lana aqbalay, iyada oo intaasi kadib is-arag dhex-maray madaxweynaha iyo guddoomiya la sheegay in kiiskiisa loo wareejiyay guddiga anshaxa, fadhi kadibna ay ka qaadeen xasaanaddii iyo xubinnimadii golaha.

Muuqaal uu soo dhigay boggiisa Facebook, Xildhibaan Axmed Taajir, waxaa uu sharci-darro ku tilmaamay xasaanadda laga qaaday iyo xubinnimada, isaga oo sheegay in uu weli yahay Xildhibaan Jubbaland.

Waa Xildhibaankii 3aad oo xasaanadda lagala laabto maamulka Axmed Madoobe, kuligood waxaa ay ahaayeen mucaarad.

Goobjoog News