U bood dhigaalka

Xildhibaan Boqorre oo Laba Arrimood u Sababeeyay Wax Qabadka Gaabiska ah ee Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qirtay iney jiraan waxyaabo uu baarlamaanku ka gaabiyey oo haddii daacadnimo jiri lahayd ay si fiican wax uga qaban kari lahaayeen.

Xildhibaanka ayaa  ka qeyb galay dood ku saabsaneyd waxqabadka baarlamaanka 9aad mudadii uu jiray laga soo bilaabo 2012 illaa hadda iyo waxyaabaha laga fili karo mudada 4 bilood ah ee harsan, doodan oo si li toos ah xalay looga tabinayay Goobjoog FM magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Boqorre ayaa si aan gambasho lahayn uga hadlay dhaliilaha baarlamaanka, waxa uuna sheegay in taasi ay ugu wacan tahay labo arrimood oo kala ah habacsanaan ka jirta habsami u socodka shaqo ee baarlamaanka  Iyo isqabqabsi u dhexeeyay madaxda ugu sareysa xukuumadda Soomaaliya .

Waxa uu yiri “Marka laga run sheego arrimaha qaarkood, wey jirtaa Cusmaan ahaan waxyaabo aan dhaliilsanahay, oo aan isleeyahay haddii loo shaqeyn lahaa si daacad nimo ah iyo kalsooni leh arrimo badan oo la dhameystiri lahaa ayaa jiray, waxaa jiray isqabqabsi xagga baarlamaanka ah, markale waxaa jiray isqabqabsi dhanka madaxda ah, waana wax dib u dhac ku ridi karay howlaha baarlamaanka, si kastaba ha ahaatee waxaan isleeyahay wakhtigan xaadirka ah isqabqabsigii inuu soo yaraaday ayaad moodeysaa, haddii kalsooni lagu shaqeeyo baarlamaanka iyo guddoonka baarlamaanku ay is fahmaan wax badan ayaa la qaban karaa ayaan isleeyahay”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii ambaqaadaya ayaa xusay in xildhibaanada baarlamanka looga baahan yahay in ay Alle tala saartaan sidii loogu dhiibtay xilkana ay u gutaan si loo helo wax qabad dhameystiran.

Ugu dambeyn baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa u harsan oo kaliya kalfadhiga 8-aad oo mudadiisu ay tahay 4 bilood oo kaliya iyadoo ay horyaallaan arrimo farabadan oo u baahan wakhti, sida arrimaha dib u eegista dastuurka oo la tashigoodu qaadanayo wakhti aan la qiyaasi karin, lagana filayo in laga galo dood aan sahlaneyn.