U bood dhigaalka

Xildhibaan Boqorre oo Sheegay in Wali Tabashadooda Aqalka Sare ay Sideedii U Taagan Tahay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay iney wali ka tanaasulin mawqifkoodii ay ku diidanaayeen doorashda dadban illaa inta laga tixgelinayo tabashooyinkooda ku aadan qeybsiga aqalka sare ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cismaan ayaa ugu horreyn ka hadlay waxa ay dareemeen iyo tabashadooda:

“Doorashooyinka cid shakhsi u leh ma jirto, waa dhisme qaran ummadda Soomaaliyeed oo dhan ayay dan ugu jirtaa, cid gaar u leh ma jirto, waxaa loo baahan yahay in cadaalad iyo sinnaan loo fuliyo. Annagu  waxaan dareennay iney wax maqan yihiin oo dadkan ka soo jeeda beelaha waqooyi wax ka maqan yihiin baanu qoonsanahay taas oo idinkuba aad ka warqabtaan, Somaliland iney goonni isku taagto waxaa ka lifay cadaalad xumo. Dadkayaga matalaya midnimada Soomaaliye ee Koonfurta joogaa waxaan dareenay in xuquudii Somaliland ay maqan tahay, waxaan diidanahay cad quureed aan ku siiyo ee ha ka hadlin”.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in tabashadoodu ay ku aadan tahay dhanka aqalka sare  oo aan wali tiro rasmi ah aan la ogeyn oo loo qorsheeyay gobollada waqooyi, “Mar waxaa la sheegay 11 kursi, mar waxaa la yiri sadex xubnood ayaa laga jarayaa, kolba waxbaa la sheegayaan, laakiin tiro huban lama hayo”, ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaan Boqorre waxa uu noo sheegay in sida ay hadda  wax u socdaan aaney habbooneyn, sida wanaagsanna ay ahayd in dadka gobollada waqooyi si wada jir ah wax loo wada siiyo, kadibna ay iyaga u taallo sida ay wax u qorsheysanayaan oo ay wax u qeybsanayaan. Waxaan diidanahay ayuu yiri, in dhinacna qabiil laga eego dhinac kalena deegaan wax lagu qeybiyo, arrintaa soo ah mid aan is qabaneyn.

“Anagu ma jowr faleyno, xoog wax ha nalagu siiyo ma lihin, annagu walaal tinimo iyo wanaag, Soomaalinimo iyo midnimo ayaan wax ku rabnaa, waxan leenahay ha naloo garto wixii aan xaqa u leenahay”, ayuu yiri xildhibaan Boqorre.

Xildhibaan boqorre ayaa sheegay in aaney u muuqan wax tanaasul oo ay sameyn karaan, haddiise loo sheego wax ay ku qancaan iney tanaasulayaan oo ay ogolaanayaan hannaanka doorashada dadban ee dalka.

Wasiirro, xildhibaanno , siyaasiyiin, odyaal dhaqmeed ka soo jeeda gobollada waqooyi ayaa in muddo ahba ka biyo diidanaa iney ka qeyb qaataan doorashooyinka dadban ee 2016; illaa inta laga xallinayo tabashadooda dhanka aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News