U bood dhigaalka

Xildhibaan C/laahi Cumar “Raali Kama Nihin Doorasho Ka Dhacda Dhuusamareeb” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan C/laahi Cumar Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in marnaba aanay raali ka ahayn doorasho ka dhacday degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay Xildhibaan C/laahi oo wareysi siiyey Goobjoog News, in dadka ku dhaqan degmada Cadaado ay ugu horreyn raali ka yihiin dib u heshiisiinta iyo sidoo kale in doorashada ay ka dhacdo xarunta baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay Cadaado in la siiyo xaqeeda oo aan Dhuusamareeb la isugu darin ku qabashada shirka dib u heshiisiinta, doorashada, caasimadda Galmudug iyo caasimadda Galgduud.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in wax laga bedalo sida ay hadda wax ku socdaan si loo helo Galmudug oo mideysan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News