U bood dhigaalka

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil “Madaxweynaha Waxa Uu Muujiyey Niyad Wanaagga Soomaaliya” (Dhageyso)

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa saacadihii ugu dambeeyey jirtay hadalhayn badan oo ku aaddan safarkii uu madaxweyne Farmaajo xalay ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda qaarkood waxay sheegeen in loo baahnaa madaxweyne Farmaajo inaanu tagin Nairobi maadaama ay Kenya kusoo gardarrootay Soomaaliya.

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in aanay jirin wax ku jaban tagista madaxweynaha ee Nairobi.

Muhiimadda ayuu sheegay iney tahay ilaalinta danaha dalka iyo madaxbanaanida, sidoo kalena meel adag laga taagnaado arrimaha hadda lagu muransan yahay.

Wuxuu sheegay in Kenya ay ku fashilantay boobkii ay ku dooneysay iney ku qaadato dhul Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News