U bood dhigaalka

Xildhibaan Caano Nuug: Xukuumadda Waxaa Ay Ka Shaqeyneysaa Burburinta Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Cali Caano-Nuug oo ka hadlayey arrinta ku saabsan xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in weli ay ka taagantahay dhibaato weyn .

Caano-Nuug oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu yiri“Dhibaatada ka jirta xadka oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya oo maalmahaan inta badan shacabka Soomaaliyeed ay ka cabanayeen, halkaasi waxaa lagu soo sameeyay xad-gudub badan oo xukuumaddiina aysan ka hadleyn ilaa iyo hadda.

Dhanka kale Xildhibaanka mar uu ka hadlayey xukuumadda Cali Kheyre ayuu ku eedeeyay in ay ka shaqeyneyso burburinta Baarlamaanka Soomaaliya isaga oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri“Dhibaatadii qaraxyada ayeysan ka tacsiyeenin xadkii oo dowladda Kenya ay ku soo xadgudubtana kama aysan hadlin, waxaa ay ku mashquulsanyihiin in ay burburiyaan hay’adaha sharciyada, waxaa ay ku soo duuleen Baarlamaankii oo shaqadoodii oo umadda Soomaaliyeed u igmatay oo loo diray inta ay meel dhigeen ayaa waxaa ay ka shaqeynayaan in ay burburiyaan Baarlamaanka .

Waa musiibo aad u weyn maanta waad u jeediin baarlamaankii xukuumad ayaa eryaneyso Baarlamaankii iyaga shalay dhalay oo codka siiyay ayey maanta eryanayaan oo Baarlamaankii ayaa gacan ku gambad ah.

Waxaad ogtihiin xaruntii Baarlamaanka ee lagu shiraayey in ay ciidamo ku soo duuleen oo la heysto ilaa iyo hadda, baaqii Baarlamaankana aan loo dhega nuglaanin oo ilaa iyo hadda ay ciidamadii joogaan waa arrin aad nasiib darro u ah, waxaan leeyahay xukuumadda shaqo ayaa la idiin dirsaday ee shaqadiinna qabsada ka daaya faro gelinta Baarlamaanka”.

Maalmihii dambe waxaa hareeyay golaha shacabka khilaaf ku saabsan Mooshinka ka dhanka guddoomiye Jawaari, kaas oo xataa oo ay ka hadashay beesha caalamka lamana oga goorta uu dhamaanayo.

Goobjoog News