U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre: Dalkan Looguma Talogalin Iney Doorasho Ka Dhacdo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo aan wareysi gaar ah la yeelannay isagoo jooga dowlad goboleedka Puntland ayaa rajo xumo ka muujiyay in doorashada Soomaaliya ku qabsoonto wakhtigii loogu talogalay.

Xildhibaanka ayaa sheegay sabaha rajo xumada ay ka mid tahay ergada 51 qof ee dooraneysa xildhibaanada oo in logu heshiiyaa ay adag tahay:

“Runtii waxaad mooddaa Soomaaliya inaan loogu talogalin wax doorasho ahba iney ka dhacdo, waxaad mooddaa in loogu talogalay in la is qabqabsado in sidaa la isku haysto in dalku dowlad la’aan noqdo in dhibaato badan dalka ka dhacdo, waxaad mooddaa haddii la arkay Soomaaliya ay ku meelgaarkii ka baxday oo ay yeelatay  dowlad rasmi ah oo cageheeda isku taagtay in dib la iskugu diraayo si intaasi meesha uga baxdo, dhibka ugu weyn waxa uu dhacay markii la yiri 51 qof ayaa wax xulaneysa oo aad mooddo jifo-jifo hoose ay noqotay oo jifo kastaa ay tiri anaa maanta xaq u leh oo aan la fiirineyn dowladnimada iyo nidaamkeeda yaa ka bixi kara, dowladdii Soomaaliya maanta waxay iskugu uruurtay jifo hebel baa maanta xaq u leh, waa nidaam qabaa’ilkii aad loogu kala fogeynaayo”.

Xildhibaanka ayaa xusay in nidaamaka hadda oo wax laga bedelo mooyaane aaney sidan wax ku sii socon karin, waxaanuu tilmaamay in doorasho baryahan dhacda aan  saansaankeedu ka muuqan degaannadan uu hadda joogo, waxaana lagu heshiin la’yahay ergadii 51-ka qof ee la soo xuli lahaa oo lagu heshiin la’yahay, beelkastaa waxay leedahay, ayuu yiri,  anaa xaq u leh, waxaana halkaa ka muuqata in Isimkii iyo cuqaashii iyo odayaashii aan midnaba la dhageysaneyn, sida ay hadda wax ku socotana illaa sanadka cusub waxba laguma gaarayo.

Xildhibaanka Cabdi Barre waxa uu hoosta ka xariiqay iney tani tahay tijaabo Soomaalida oo dhan lagu eegayo, haddii lagu guuldareystana keeni karta in dib loogu noqodo nidaamkii kumeel gaarka ahaa ee laga soo gudbay, waxaanuu ku taliyay in sida ay hadda wax wax looga bedelo si dalka dowladnimadiisa loo badbaadiyo.

Si kastaba, guddiga doorashooyinka heer federaal oo soo saaray dhawaan shax cusub ayaa sheegay in ugu dambeyn 12 bishan la soo dhameystiro ergada dooraneysa xildhibaanada aqalka hoose, si ay ugu suurtogasho in doorashadu ku qabsoonto wakhtigii loogu talogalay.

Goobjoog News