U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre “Dowladda Hadda Joogta Iyo Hay’adaheeda Amniga Wey Fashilmeen” (Dhageyso)

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News, ayaa si kulul uga hadlay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo sidoo kale falalka amni darri ee mararka magaalada ka dhaca.

Waxa uu ugu horeen sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda Soomaaliya ay amni sugis mooddo in magaalada Muqdisho wadooyinkeeda dhagaxaan lagu xiro, sidoo kalena aanay u jeedin talooyinka amniga lagu sugayo ee kaga imaanaya xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax badan baan ka hadlay arrimaha qaraxyada soo noq noqday, aad baan uga hadlay oo xilliyadii UNDP-da la weeraraayay iyo Hoteelada ayaan ka hadlay iyo xilligii maxkamadda la weeraraayay, dowlad aan lahayn ciidan diyaarsaneen dowlad laguma noqdo, hadii la daryeeli waayo askartii amniga sugayay waxba ma shaqeynayaan, meeshaan waxaa ka maqan hay’adihii amniga, waxaa ayaan darro ah in meeshii la rabay inay ciidamada howlgalaan oo mushaaraadkoodii gacanta lagu hayo in amniga lagu bedalo dariiq walba oo dhagax lagu gooyay, shacabka iyo gaadiidka dhagxaan looga xirtay, horta dhagax muxuu celin karaa?, dhagax waxa uu celinayaa oo kaliya gaadiid jidka mari lahaa ama qof laakiin wax kale ma celin karo”

“Dowladdaan joogta iyo hay’adaheeda amniga wey fashilmeen 100%, qofkii talo qaadanaya ayaa wax loo sheegayaa, cid wax kaa dhageysanaysa malahan nin walba isagaa isla cad oo cirkaa maraya, kaad tiraahdo war waxaas baa qaldan ee wadadaan wanaagga ama amniga haloo maro waxaa la oranayaa hebel waa mucaarad oo dowladda ayuu diidan yahay, war tilmaantii qarannimada mucaarad laguma noqdo, dalkaan waxaad moodaa inaan la rabinba qof aqoon leh ama siyaasadda aqoonta u leh, ama wax wanaagsan hagaya dalkaan lagama rabo” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in dalka amnigiisa waxa lagu sugi karo ay tahay in la helo sirdoonka oo dhex gala bulshada, la saaxiibo shacabka si loo helo xogta.

“Dal aan nabad sugid lahayn dal ma ahan, dalalka caalamka waxaa saldhig u ah hay’adda nabad sugidda, mar hadii ay hay’adaasi diyaarsan tahay dalkaasi amni buu noqdaa 100%, saraakiishii nabad sugidda aqoonta u lahayd oo sirdoonka yaqaanay meel kasta ayeey dhooban yihiin, cid rabto malaha, maanta xaqiiqda meeshii laga rabay sirdoonka Soomaaliya inuu noqdo gacan ku haynta dalka, maanta nimankaan wax qarxinaya ama wax burburinaya sirdoonkooda ayaa wax badan horeeya oo shacabka ayeey kasbadeen, hadii shacabka la kasban lahaa lalana saaxiibi lahaa wax walba gacanta ayaa lagu dhigi lahaa, marka wixii wax kaa dhageysanaya baa wax loo sheegaa” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Cabdi Barre.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa ku taliyay in wasaaradaha dowladda iyo guud ahaan hay’adaha amniga dadka loo dhiibayo loogu dhiibo shaqada aqoonta ay u leeyihiin, balse aan loogu dhiibin saaxiibno waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in hadii la doonayo in amniga magaalada Muqdisho wax badan laga qabto la helo ciidan dhar cad ah oo shacabka kasbada, meel walba dowladda ku yeelato sirdoon gaar ah oo sirta soo gudbiya.

1-dii bishaan November ayaa rag ka mid ah Al-shabaab waxay weerar Ismiidaamin iyo dagaal toos ah ku qaadeen hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Riix Halkaan si aad u dhageysato wareysiga xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf

Goobjoog News