U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre Oo Ku Taliyey Inay Is Casilaan Wasiirka Amniga Iyo Taliyeyaasha Ciidamada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa ku baaqay in la bedalo saraakiisha ugu sarreysa amniga dalka si looga gaashaanto weerarrada soo laablaabtay.

Wareysi uu siiyay Goobjoog news ayuu ku sheegay xildhibaanka in saraakiisha amniga aysan aqoon u lahayn ka hortagga falalka amni xumo ee magaalada Muqdisho ka dhacaya.

Wuxuu sheegay in laamaha amniga dowladda federaalka ay shaqo ka dhigteen oo kaliya inay sheegan markii uu qarax dhaco iney fashiliyeen iyadoo dadkii shacabka ahaa ay ku dhammaanayaan qaraxyada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dalka laga ilaalinayo dadkii aqoonta u lahaa ka hortagga iyo la dagaallanka amni xumida iyo sidoo kale qibraddana u lahaa baaritaanka iyo ka hortagga waxyaabaha soo socda sida qaraxyada iyo wax la mid ah.

“Adeer waxaa qaldan qof walbo waa uu ogyahay, waxaa wadanka laga ilaalinyaa dadkii aqoonta u lahaa ka hortagga iyo la dagaallanka waxyaabahan oo kale, waxaa loo baahan yahay saraakiil aqoon u leh oo taqaanna sida loo baadi goobo xogaha cadowga, qaraxyada meeshaan laga soo abaabulayo waa in la ogaadaa, waa in laga sii war hayaa waxyaabahan bil ama Todobaad kahor, dowlad laguma noqdo waa saaxiibkey, waa reer hebel ama aniga ayuu i xigaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dambeyn xildhibaan Cabdi Barre ayaa ku baaqay in dib loo eego hay’adaha amniga dalka, islamarkaana sidoo kale loo yeero saraakiishii hore ee qibradda u lahayd arrimaha sirdoonka.

Goobjoog News