U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre: Xasan Sheekh Looguma Yeeri Karo Madaxweynaha Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ka tirsan xildhibaanada baaralamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Xasan Sheekh wixii Xalay ka dambeeyay uu yahay madaxweynihii hore ee aan loogu yeeri karin Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre oo aan la yeelanay wareysi dhinacyo badan taabanaya, ayaa si gaar ah uga  warbixiyay in mudadii madaxtinimo ee madaxweyne xasan sheikh ay ku ekeyd habeenimadii xalay sidaa darteen aan la oran karin madaxweynaha Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh muddo 4 sano ah ayaa loo doortay inuu dalka Madaxweyne ka noqdo, waxayna ku egtay caawa saqda dhexe, caawa wixii Lix saac ka dambeeya looguma yeeri karo madaxweynaha Soomaaliya, waxaa loogu yeerayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, kama duwana madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya soo maray oo loogu yeero madaxweynayaashii hore, markaa shacabka Soomaaliyeed waa iney taa sidaas u ogaadeen.”, ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre.

Mar uu xildhibaanku ka hadlayay iney jiraan dad aamisan in Xasan sheikh uu yahay madaxweynaha dalka illaa laga dooranayo madaxweyne kale ayuu ku dooday sidan:

“Dadka arrintaa aamnisan waa iney xaqiiqda ka hadlaan, maaha iney u hadlaan shakhsi jacayl oo ay tunka u saartaan waad jeceshahay, ama tijaabo kale oo qaabil iyo waxa dalka baaba’shay ay dusha u saartaan. Waxa weeye xaqiiqda dhabta ah haddaan laga hadlin marna horumar la gaari mayo, qofka leh madaxweynihii dalka ayuu sii ahaanayaa ha sheego sharciga uu madaxweyne ku yahay. Ayaan darada haysata madaxweynaha waxa weeye caalamka kama dhicin madaxweyne isagoo ah intuu wakhtigii ka dhacay oo wali soo taagan oo leh madaxweynaan ahay kama dhicin Xasan Sheekh ka hor, isagay ceeb ku tahay inuu wakhtigii ka dhaco, waxaan leeyahay horta shacabka Soomaaliyeed taa ha ogaadeen, xaqiiqda dhabta ahna yaaney ka leexanin.”

Xildhibaanku waxa uu ka hadlay in baarlamaankii federaalka lagu diray shacabka lagna hor keenay beesha caalamaka iyadoo la leeyahay xil kororsi ayay doonayaa, shacabka ayaan weydiinaynaa, ayuu yiri; ma baarlamaanka ayaa khaldanaa mise madaxda madasha, oo uu ku sheegay iney hadda is hasytaan oo ay isku mari weysan yihiin, waana sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeenimadii Xalay waxay ugu ekeyd mudada xil hayntiisa madaxweyne-nimo oo ay u buuxsan tahay muddo 4 sano ah, iyadoo ay jirto wargeeto Arbacadii kasoo baxday xafiiska madaxtooyada, oo Xasan Sheekh ku shaaciyay inuu dalka ka yahay ku sime madaxweyne, hakiyayna dhamaan awoodihii dastuuriga ahaa ee madaxweyne-nimo.

Goobjoog News