U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre”Suurtogal Maaha in Doorasho Wakhtigeedii Ku Qabsoonto”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka tirsan golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn in xiligii loogu talgalay ay dhacdo doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inaysan dowladdu muujin Dadaal dheeri ah oo keeni karay in shaqo weliba la qabto xiligii loogu talagalay, isaga oo shaaciyay in doorashadu aysan ahayn mid ku qabsoomi karta nidaamkii doorashooyinka ee loo qorsheeyay.

Waxa uu xusay inaysan dowladda Soomaaliya fursad badan siinin dib u heshiisiinta qabaa’ilka Soomaaliyeed, sida; dhinacyada ku muransan dhismaha dowlad goboleedkii loo qorsheynayay Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Waxa uu sheegay xildhibaan Cabdi Barre inaysan dowladdu isu keenin oo aysan ka shaqeyn wadahadal ka dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka gobolada dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca, isaga oo ku baaqay in dadka lagu qanciyay  doorashooyinka la filayo waqtiyada soo socda laguna mashquuliyay.

“Doorasho mar haddii ay dal ka dhacayso, ama adduunka oo dhan ka dhacayso, waxay noqotaa mid aad looga baaraan dagay oo wakhtiga ay dhacayso ka hor lix bilood ama sideed bilood ka hor ol’oloheedii iyo diyaar garowgeedii la galo, maaddaama ayna intaa galin 2 bilood iyo 3 bilood wax loogu qaban karo iima muuqato, aadbaan uga xumahay in doorashadaas 2016 uu dib u dhac uu ku yimaaddo, waxaan jeclaa in xilligii loogu talogalay inaaney halmaalin dib uga dhicin”, ayuu yiri xildhibaanka”.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Cumar Maxamed Cabdulle oo goor sii horreysay u warramay Goobjoog News ayaa sheegay iney suurtogal tahay in doorashada dib u dhac uu ku yimaaddo, shax cusub oo ay ku howlgalaan ay soo saarayaan.

Goobjoog News