U bood dhigaalka

Xildhibaan Mar Kale Lagu Doortay Garoowe

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaankii guddiga khilaafaadku ay ku celiyeen maamulka Puntland ayaa maanta dib loogu doortay isla kursigaasi.

Doorashadani ayaa ka dhacday xarun Jaamacadeed oo ku taalla magaalada Garoowe halkaasoo kamid ah xarumihii horey ay uga dhaceen doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka.

Cabdi Maxamuud Maxamed oo helay 45 cod ayaa waxaa la tartamay Maxamed Cali Madoobe oo isna helay 6 cod.

Guddiga khilaafaadka oo horey u sheegay in doorashada kursigaasi aynaan ku dhicin qaabkii la doonayay ayaa maanta isla kursigaas waxaa loo doortay xildhibaankii markii hore ku soo baxay.

Gabadh ka tirsan guddiga doorashada Puntland ayaa shaacisay in Cabdi Maxamuud Maxamed uu ku soo baxay mar kale kursigii dib guddiga khilaafaadku ku soo celiyeen Puntland.

Xildhibaan Cabdi Maxamuud Maxamed iyo afar kale ayaa guddiga khilaafaadku ay ku celiyeen maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inkastoo maamulladu ay horey u diideen inay doorashada kuraastani ku laabtaan.

Puntland ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyay ee dib ugu laabtay kuraastii la soo celiyay oo la soo jeediyay in doorashadooda dib loo abaabulo.

Goobjoog News