U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Shire “Waa In Wax Laga Qabto Dilalka Quursiga Ku Saleysan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Shire (Ciyaar Jecel) oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in si degdeg ah wax looga qabto dilalka ku saleysan quursiga.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in wax laga xumaado ay tahay qaabkii naxdinta lahaa ee loo diley marxuum Axmed Mukhtaar Saalax, isaga oo sheegay in dowladda guud ahaan waajib ka saaran yahay in aanay indhaha iska tirin.

“Falka lagu diley, lagu baangadeeyey, batroolka lagu gubay waxay gil-gishey quluubteenna, Afar cisho ma hurdin, waa in qoyskii dhibku gaaray u muujinnaa dareenkeenna, dilka ku saleysan quursiga ma ahan wax diintu qabto, waxaan soo jeedinayaa in qoyskii marxuumka uu ka baxay u tagno oo aan la wadaagno murugada” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale, xildhibaan Ciyaar Jecel ayaa sheegay in loo baahan yahay wacyigelin loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed si aanay usoo noqon falalka sidan oo kale ah.

Dhowaan ayeey ahayd markii la diley Axmed Mukhtaar Saalax, kadibna la gubay, iyadoo arrintaasi ay ka dambeeyeen qoyska gabar uu guursaday wiil uu adeer u ahaa.

Goobjoog News