U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullahi “Taleefankaaga Oo Jeebka Ku Jira Ayeey Goobjoog Warka Kugu Soo Rideysaa”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha guddiga Warfaafinta baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa bogaadiyey dadaalka warbaahineed ee ay waddo Goobjoog, waxa uu ka hadlayay munaasabadda dabaaldega sedex guuradii Goobjoog oo lagu qabtay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu si kal iyo laab oga hadlay adeegyada ay bulshada u heyso idaacadda, gaar ahaan barnaamijka fariimaha gaagaaban oo uu yiri “Taleefoonka oo jeebka kuugu jiro ayay wararka Goobjoog kuugu soo dhacayaan”.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in saxaafadda ay ka midtahay tiirarka dalka lagu dhisi karo, islamarkaasina horumar weyn lagu gaarsiin karo, isaga oo kula dardaarmay bahda saxaafadda in ay danaha qaranka illaaliyaan.

Goobjoog News