U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Xaashi oo Cadaalad darro Ku Tilmamaay Go’aamadii Shirka Madasha

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay go’aamadii kasoo baxay shirka madasha wadatashiga ee Muqdisho, isagoo ku timaamay iney ahaayeen kuwo cadaalad darro ah oo aan la aqbali karin.

Xildhibaanka oo shir jaraa’id kala qeyb galay maalinimadii shalay odayaasha dhaqanka qaarkood oo ka cabanayay go’aamadii madasha ayaa sheegay in cadaalad darro iyo sharci la’aan aan dal lagu maamuli karin.

“Waxaan filayaa wax ii haray aniga ma jirto, maanta halkaa waxaa  ikeenay anigu midnimo Soomaaliyeed baan rabaa oo aan u taagneyn, maanta halkaa waxaa ikeenay dulmi muuqda oo aan diidanahay oo aanan ogoleyn, waxaan rabnaa midnimo, dalkoo midoobaan rabnaa, cadaalad baan rabnaa Soomaalinimaan rabnaa, waxaan u joognay halkan taas weeye. Laakiin labo arrimood oo ii muuqata hadda dowlo laguma dhisi karo ku mana dhismeyso; Kow qabyaalad aan cadaalad ku jirin oo la sameeyo iyo sharci darro dal la yiraahdo waa lagu maamulayaa, labadaa arrimood baa ii muuqda oo midna dowlad aan lagu noqon kareyn”.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in go’aanka odayaashu ay ku diideen fulinta qodobada heshiiska madashu uu yahay mid ay la ogyihiin illaa cabashada wax laga qabtana ay go’aankooda ku adkeysanayaan.

“Waxaan rabaa inaan iraahdo, odayaasha warkoodu kuma wajahna shacabka koonfureed, wuxuu ku jihaysan yahay madaxda madasha sheegatay ee cadaalad darro iney wax ku maamulaan raba ayuu ku jihaysan yahay, taasina waxa weeye illaa cadaalad la helo sidey yiraahdeen ayay noqoneysaa oo labada gole waa laga maqnaanayaa, waa khatar soo socota oo midnimadii Soomaaliyeed looga dabatagaayo”.

Xildhibaanku waxa uu farriin u diray madaxda madasha oo uu xasuusiyay in wax lagu noqdo ogolaanshiyaha dadweynaha iyo cadaalad:

“Waxaan leeyahay madaxdu ha fakaraan, kursugu xalaal ma noqonaayo haddii awood lagu raadiyo, wuxuu xalaal ku noqon karaa marka dadweynaha oo dhani ogolyihiin si simanna ay cadaalad u helaan, markaas ayuu kursigu sharaf yeelanayaa oo uu xaq yahay, awood sheegasho iyo caddaalad darro marna waxba kuma suuroobayaan”.

Odayaal kasoo jeeda waqooyiga Soomaliya oo ka mid ah 135 tii xubnood ee loo xilsaaray soo xulista ergada dooran doonta baarlamaanka 10aad ee dalka ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay iney ka soo horjeedaa go’aamadii shirka madasha wadatashiga qaran ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News