U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Xaashi “Xaaf Wuu Ku Qaldanaa In Doorashada Galmudug Ku Wareejiyo DFS” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdi Xaashi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ku sheegay in madaxweyne Xaaf aanu xaq u lahayn u wakiilashada wasaaradda arrimaha gudaha DFS ee doorashooyinka Galmudug.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Xaaf qoraalkii uu soo saaray u muuqday mid shaqada baneeyey, islamarkaana mas’uuliyadda Galmudug ay haatan saaran tahay madaxweyne ku xigeenka.

Xildhibaan Xaashi ayaa tilmaamay in qalad ay tahay wareejinta doorashada Galmudug, islamarkaana xad-gudub ay tahay wuxuu sameeyey madaxweyne Xaaf, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale, xildhibaanka ayaa sheegay in iyagu ay shaqada la wadi doonaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug, maadaama xaaf uu iska wareejiyey shaqooyinkiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News