U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdifitaax Oo Xayiraadda Jubbaland Ku Tilmaamay Ciqaab Wadareed

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ahna Guddoomiyaha Guddiga Duulista Hawada, Gaadiidka, Waddooyinka, Dekedaha, iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Siyaasada iyo Istiraatijiyada ee Xisbiga UPD, ayaa sheegay in xayiraadda dhanka hawada ee dowladda federaalaka ay  saaray duulimaadka Dowlad gobaleedka Jubbaland ee ay tahay arrin ay ka dhalan karto hoos u dhac dhaqaale iyo  arrimo banii’aadamnimo oo soo wajaho shacabka ku dhaqan deegaanada Jubbaland.

Xildhibaan Cabdifitaax oo ka hadlayo arrinta xiyiraadda duulimaadka lagu soo rogay Jubbaland ayaa yiri “go’aanka lagu xiyirayo duulimaadyada Kismayo ma aha mid wax yeelaya maamulka Jubaland balse waa mid ciqaab wadareed iyo dhibaato weyn ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanadaas. Sidoo kale waa go’aan astaan su’aaleed saaraya lasoo wareegida maamulka hawada Soomaaliya oo sharcigii sahli lahaa uu hadda horyaalo Golayaasha Baarlamaanka. Iyadoo la garan karo in ay adagtay in si xirfadnimo leh (professional) loola shaqeeyo xukuumadda hadda jirta, haddana waa in hoosta laga xariiqo muhimadda ay leedahay in aan Hay’adaha halbawlaha u ah bixinta adeegyada dawlada dhexe, sida hagida diyaaradaha, aan loo adeegsan ujeedooyin ama dano gaar ah oo ay leeyihiin shaqsiyaadka hadda talada hayaa. Waxaan Xukuumadda Federaalka”

Halkaan ka Akhriso qoraalka xildhibaanka oo dhameys tiran

Xayiraada-Duulimaadyada-Kismayo (3)

Goobjoog News