U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdiqadir Xanafi oo Ka soo Horjeestay Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Sh. Dhexe

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Dowlada Federaalka Soomaalia ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaano kale oo ku sugan Magaalada Beledwayne aysan ku qanacsanayn Shirka Maamul u samaynta Hiiraan iyo Sh.DHexe.

Xildhibaan  Cabduqaadir Shiikh Xanafi ayaa sheegay in Magaalada  Beledwayne ay ka wadaan kulamo ay la qaadanayaan qaybaha kala  duwan ee Bulshada  ku nool Magaaladaas.

Waxa uu carabka ku dhuftay xildhibaankan  in kulamada inta badan ay diirada ku saareen aayaha Maamulka lagu midanayo Hiiraan iyo Sh,DHexe.

“waxa aan kulamo la qaadanay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, waxa aan  ka wada hadalno sida aan u dhaliilsanahay shirka Jowhar ‘’ ayuu u sheegay Goobjoog News xildhibaankan.

Xildhibaankan ayaa tilmaamay in kulamadan ay sii socon doonaa maalmaha soo aadan  isla markaana go’aan ay ka soo saari doonaan waxa ka soo baxa kulamadan.

Si kastaba  Magaalada Jowhar waxa ka socda shir maamul midaysan loogu samaynayo gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe, kaas  oo dhaliil ay ka muujinayaan dhinacyadii ka qayb galay.

Goobjoog News