U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh oo Eedayn U Soo Jeediyay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jibriiil oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa eedayn u soo jeediyay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD isagoo tilmaamy iney doonayaan iney si Juujuub ah ay ku dhisaan maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Xildhibaan Xoosh oo aan la yeelanay wareysi dheer ayaa ka hadlay natiijada shirkii madasha ee Muqdisho, aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo arrimaha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay shirka madasha iyo natiijadii kasoo baxday; waxaanuu yiri:

“Marka hore waxay ahayd in wada xaajoodka doorashada ee wakhti hore lagu ballamay markan in lasoo gabagabeeyo oo wax laga gaaro way fiicneyd, maxaa yeelay wakhtigu waa socdaa wakhtigii dowladduna waxa uu dhamaaday September 10-keedii, intaa wax ka badan waxay noqon lahayd fowdo. Teeda Labaad in wax un laga gaaray aqalka sare ee ugu dhibka badnaa way iska cadahay, maadaama tii aqalka hoose mar hore laga soo gudbay, taa macneheedu maaha in qeyb walbaaba ay faraxsan tahay siyaasadana maba ahaba iney qeyb walbaaba faraxsanaato”.

Mar aan waydiinay waxa iska bedelay aqalka sare iyo in xal laga gaaray khilaafkii iyo in kale, ayuu yiri:

“Waxa isbedelay waa in aqalka sare lagu soo noqday wixii uu dastuurku qorayay, awalkii hore waddo qardo jeex ah ayaa la marayay, madaxweynaha iyo xubno siyaasiyiin ah ayaa kolba dambiil kala soo baxaya xubno sanatarro ah oo ay kolba leeyihiin gobol hebel labo xubnood haloogu daro, gobol hebelna wax halaga dhimo. Dastuurka waxaa ku qorneyd 54 xildhibaan,  hadda 54-tii ayaa lagu soo noqday”.

Xildhibaan Xoosh waxa uu ka hadlay sida ay ula muuqato shaqada aqalka sare looga fadhiyo:

“Aqalka sare awoodo badan ayuu yeelan doonaa wax uu noqonayaa ilaaliyaha xuquuqda maamul goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, awood qeybsiga, qeybsiga kheyraadka, waxay ka doodi doonaan canshuuraha sidii loo qeybsan lahaa iyo dakhliga waddanka soo gala, iyo sidii loogu gudbin lahaa awoodda maamulka hay’adaha ay khuseyso arrintaas, markaa shaqooyin badan ayaa hoosyimaadda”.

Waxa uu xildhibaanku ka hadlay doodda ku saabsan aqalka sare iyo baahida loo qabo, waxaanuu sheegay in doodaasi ay ku habboonaan lahayd marka lagu heshiin waayo aqalka sare,  laakiin hadda ay u muuqato in lagu heshiiyay, dastuurkuna dhigayo in aqal sare la sameeyo taana aaney cidi ra’yi goonni ah ka keeni karin, sidaa darteed ay lagam maarmaan tahay in aqalka sare la sameeyo.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay arrin uu dhaliilsan yahay taas oo ku aaddan maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe isagoo sheegay in madaxtooyada iyo urur goboleedka IGAD ay doonayaan iney Juujuub ku dhisaan maamulkaas:

“Meesha kaliya ee aan dhibaato u arko waa Hiiraan iyo Shabeelaha dhex oo aan u arko in lagu degdegay siiba madaxtooyada,  xal ayaa mar hore laga gaari lahaa haddii ummadda meesha degan ra’yigooda la dhageysan lahaa siiba odayaal dhaqameedyada uu ugu horreeyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Laakiin markii lala galay loolan siyaasadeed  dhaqanka arrintii waa dhabaqday oo hadda waan u jeednaa oo carqaladdaa soo dheeraatay sidaas ayaa keentay, hadana wali waa la isku haystaa oo madaxtooyada iyo IGAD waxay rabaan iney juujuub wax ku sameeyaan, goboladaasina gobollo juujuub u bartay maaha waa dad dhibaatooyin badan soo maray markaa. Qof sharci u haysta inuu madaxweyne yahay oo fulin sameyn kara ayaa howlaaha ku dhaqaaqi karo, laakiin qof isagiiba la leeyahay madaxweyne ma tihid ee waad sheeganaysaa inuu yiraahdo arrin maqaamkaas leh oo weyn ayaan ka shaqeynayaa wax macquul ah maaha wakhtigan “.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15 bishan  dib u furay shirka Jowhar ee maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News